Duqeeyn culus oo laga fuliyay gobolka Sh/hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramayan in diyaaradaha Mareykanka ay duqey la beegsadeen gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Caddoow Dibille ee hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka duqeynta ayaa dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee gaariga saarnaa,waxaana la shegay in gaariga dadka saarnaa uu kamid ahaa Ganacsade caan ah.

Mareykanka ayaa sidaan oo kale u duqeeyay gaari shacab ay saarnaayeen Gobolka Shabeelaha Hoose,isagoo kaga shakisan in ay saaran yihiin Saraakiil Shabaab ah.

Xayeeysiin