Duqayn ka dhacday degmooyinka Jamaame, Jilib iyo Bu’aale

Reading Time: < 1 minute

Sida ay shaaciyeen ciidanka Maraykanka ee ka howlgala hawada Soomaaliya diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka geysteen magaalooyinka Jamaame, Jilib iyo Bu’aale oo ka kala tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe..

Inkastoo duqaynta lagu  sheegay in ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo Maraykan ah iyo kuwa  ka tirsan militariga Soomaaliya hadana waxa MOL ayaa loo xaqiijiyay in duqayntaasi ah ahayd mid ciidamada Maraykanka kaliya ay hogaaminayeen.

Waxaa la sheegayaa in howlgalka ka dhanka Al Shabaab uu ahaa mid  qorsheysnaa  ayna fuliyeen diyaaradaha dhulka laga hago oo ayan la socod dad.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday saldhiga AL Shabab ee Jamaame lagu dilay Taliyihii howl galada  AL Shabaab oo u dhashay Dalka Kenya Cabdirauuf Yuusuf oo loo yaqaano Abuu ayman iyo ku dhawaad 100 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa la sheegay inla burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada Hoose.

Wali ma jirto war ka soo baxay kooxda Al Shabaab ee ka hadlaya duqayntii la sheegay in xalay loo gaystay. Dhanka kale waxa aan wali la ogaynin dadka shacabka ee ku dhintay weeraradaas. Markastaa oo weerar lagu qaado kooxda Al Shabaab waxaa iyagana ku dhinta dad Shacab ah.