Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaano doonaya in ay xabsiga ka siidayaan dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo.
Gudoomiye Yariisow waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uusan aqbali doonin in dadkaasi Xildhibaano ay sii daayaan.
Waxaa uu ku hanjabay in Caddaaladda la horkeeni doono dadkaasi, Maadaama ninkaasi si xun loo dilay kadibna la gudbay, islamarkaana aysan yeeli doonin in xildhibaano ay sii dayaan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxaayay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in ay Codsanayaan in si damaanad ah lagu sii daayo dadkii falkaasi geystay.
Qaar ka mid ah Eheladda Marxuumkii dhawaan lagu dilay Muqdisho ka dibna la gubay ayaa dowladda Soomaaliya ay ka dalbaday in Caddaaladda la horkeeno Cidii ka dambeysay dilka Marxuumka.
Axmed Muqtaar Dowlo oo ahaa nin Nin Garashle ah kuna shaqeysta farsamada sameynta gaadiidka ,ayaa Khamiistii la soo dhaafay si argagax leh loogu dilay Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilkiisa uu la xiriiray fal hayb sooc guur ah.