Duqa Muqdisho oo ka hadlay Qorshaha furitaanka Wadooyinka Caasimadda

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho cumar maxamuud maxamed ( cumar filish) ayaa maanta waxa uu kaqayb galay shir wada tashi ah oo looga hadlaayay arimaha haweenka iyo dhismaha nabadda oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka qaranka .

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay meel wanaagsan ay mareyso arimaha furitaanka wadooyinka Muqdisho ee uu dhawaan gudiga u magaacabay  .

Gudoomiye cumar finish ayaa waxa uu sheegay in aysan aqbali karin in amnidaro ay al-shabaab ka gaystaan caasimadda oo ay dhibaatooyin kasoo gaaraan shacabka .

Waxa uu intaa ku daray in Muqdisho aysan ubaahneen dhagxaan lagu xero iyo ciidamo hub ku dhax haysta balse ay u baahantahay amniga oo la suga shacabkana ay kaqayb qaataan .