Duqa Muqdisho oo Howl Maalmedkisa u Badalay Kulamada Xildhiobano Moshinka Wada&Lacagihi Gobolka oo Si Sharci Daro Lo Isticmalayo

Reading Time: < 1 minute

Waxa malmihi u danbeyay hotelada Muqdisho ka socday shirar lagu gorfeynayo Mooshinka Gudomiye Jawaari iyado lacago xoogan lagu kala qeybsado shirarakasi.

Suuqa kala iibsiga Mooshinka aya weli tagan waxana howlahasi ku milmay Maamulka Gobolka Banaadir iyo raga ka agdhaw.

Duqa muqdisho aya maalmahan ku mashquulsan howlaha mooshinka Xukumadu ay wado iyado uu ENG yarisow uu maalmahan ku howlana bixinta lacagaha mooshinkasi lagu carbinayo.

Duqa Muqdisho aya maalmahan lagu arkayay hotelada Muqdisho isago shaqo ka dhigtay in uu Hotelada Gaaf wareego isago lacagihi Gobolka u isticmaalayo Mooshinka Jawaari.

Mooshinka jawaari aya hada umuuqda mid gababsi si ah iyado wax laga xumaado tahay in Maamulki Gobolka banaadir uu shaqo ka dhigto kulamo hotelada lagu qabto iyo mooshino.