Duqa Muqdisho ENG Yariisow oo u Muuqda Mid Mari Doono Wadadi uu Horay Maray Maamulki Hore ee Thaapit

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha Maqaamka Gobolka Banaadir, kaddib khudbad uu ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka.

Duqa Muqdisho oo u muuqda mid raaci doona wadadii uu horay umaray maamulki ka horeyay ee thaapit uu horkacayay iyado la xasuusto in waxyabahi la isku qabtay ay ka mid ahyed Maqaamka Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda in ka dedejiyo maqaamka Caasimadda, maadaama uu qeexayo qodobka 9aad ee Dastuurka.

“Shacabka Gobolka waxay codsanayaan inay xuquuqdii ay lahaayeen inay helaan oo ay la mid noqdaan Gobolada kale, inay matalaad ka helaan Aqalka sare, in maqaaka la dedejiyo, maadaama qodobka 9aad ee Dastuurka uu dhigayo”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Arrimaha Maqaamka Caasimadda ayaa wali xal laga gaarin,isla markaana shacabka Gobolka Banaadir ay xuquuq fara badan uga maqan tahay.