Duqa Magaalada Galkacyo oo diiday xilka qaadistii uu Xaaf ku sameeyay

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyihii Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xirsi Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in wax xilka qaadis uusan ku sameeyn Kari Mas’uul uu waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa kaloo uu sheegay Xirsi Yuusuf Barre oo ku sugan Dhuusamareeb in weli uu yahay Guddoomiyaha Gaalkacyo, isla markaana Xaaf  xiligaan uusan qaadi Karin xil uu Mas’uul haayo, maadama uu xilgeyntiisu dhamaatay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Gaalkacyo loogu magacaabay Saciid Salaad Cilmi,  halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Maxamed Cali Xirsi.

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Doorashada Golaha Cusub ee deegaanka Degmada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!