Dumarka ka shaqaynaya xafiiska dowlada oo lagu amray inay xirtaan saraawiil

Reading Time: < 1 minute

Dowlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka hadashay warqadii kasoo baxday wakaaallada korontada ee magaalada Jigjiga. Waraqaddan wakaaladda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dumarka ka shaqaynaya xafiiska ay soo xidhaan saraawiil, oo aysan soo xiran dharka dhaqanka Soomaalida.

 Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid oo warqadaas ka hadlayay ayaa yiri “Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay”

“Marnaba gor-gortan kama galayno gafkan talaabada ku haboona waan kaqaadaynaa!”  ayuu yiri Abdiqadir Rashid. Waxaan sugaynaa tallaabada ku haboon ee xukuumadu ka qaado shirkadda korontada oo hadal hayn iyo caro badan ka dhex dhalisay dadka