Duleedka degmada Jalalaqsi oo Lagu arkay Guryo iyo Dhisme Ifaya oo Hawada Deeganadasi Dulmaraya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta laga hadal hayaa gudaha degmada jalalaqsi ee gobalka hiiraan, mucjiso dad badan ay ka dhaadhici la dahay taasi oo dadka ku dhaqan tuulada qoryaale ay ku sheegeen iney arkeen dhismo guryo dhabaqyo ah iyo masajido minaarado leh oo dul maraya tuulada oo dhacda duleedka degmada Jalalaqsi.

Dadka ku dhaqan tuulada qoryaale oo 18 KM u jirta degmada Jalalaqsi ayaa sheegay iney arkeen culimada duqoyda dhalinyarada deegaanka guryo iyo masaajido leerar ay ka shidan yihiin oo dul maraya tuulada qoryaale oo dhacda tuulooyinka hoos yimaada degmada Jalalaqsi.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn.