Dhul Gariir Ka Dhacay Dalka Turkiga oo Sababay Dhaawaca 30-meeyo Qof

Reading Time: < 1 minute

ANADOLU NEWS AGENCY Wakaalada Dalka Turkiga ayaa sheegay inuu Waaberigii hore ee saakayto uu dhul-gariir ka dhacay Gobalka ADIYAMAN ee K/bari ee dalkaasi, iyadoo ay 39 qof ku dhaawacmeen dhul-gariirkaasi.

Wasiirka Caafimadda ee Turkiga, AXMED DEMIRKAN ayaa sheegay in 35 ka mid ah 39-kaasi qof la daaweeyey, wuxuuna xusay inaysan jirin dad ay xaalladooda liidato.

Dhul-garirka oo lagu qiyaasay 5.2 ee Halbeegga lagu cabiro Dhul-gariirka waxaa ku xigay 8 dhul-ruxun oo aad u yar-yaraa.

Dhinaca kale, Dhamaan Dugsiyadda Hoose iyo kuwa Sare ee ku yaalla Gobalka ADIYAMAN ee uu dhul-gariirku ka dhacay ayaa maanta la wada xiray.