Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya doon ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelleoo ku degtay inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Ceel-Jaale.
Doonta ayaa waxaa saarnaa Duqa Magaalada Baladweyne Safiya Sheekh Xasan Cali Jimcaalle, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Masuuliyiin kale,wallow mas’uuliyiintaas la soo badbaadiyey.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in doonta ay ka baxday Baladweyne,hayeeshee intii ay sii waday ay ku yimaadeen Biyo farabadan taas oo keentay inay la rogmato.
Waxaa uu sheegay inay doonta ku saarnaayeen in ka badan 30 Ruux,waxaana uu xaqiijiyey inay jirto dhimasho ka dhalatay doonta la degtay,hayeeshee uu sheegay inay dib ka faah faahin doonaan.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Duqa Magaalada Baladweyne Safiya Sheekh Xasan Cali Jimcaalle ayaa hataan ku sugan meel banaanka ka ah Magaalada Baladweyne,kadib markii la soo badbaadiyey,waxaana socda gurmad lagu soo badbaadinayo dad Shacab ah oo doontaasi saarnaa.