Ducaale:“lacag wixii aan haynayna waa naga qaateen meel cidla waa nooga tageen”

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa maanta mar uu ka halyay qaar ka mida saaxibadiisa ku jira golaha Wasiiraada ayaa u sheegay in lagu fashilmay qorshihii Xasan Kheyre ee Galmudug.

Wasiirka oo ay ka muuqato Niyad Jab Wayne ayaa sheegay in xataa Ahlu Sunna ay u diiday in ay “wax uun guul been been ah ay kala tagaan magaalada Dhuusamareeb si aan naloo dhihin waad fashilanteen”.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadayo iyada oo kooxda Al Sunna maanta ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Xasan Kheyre iyaga oo ay u muuqatay in la rabo in la qayaanayo kooxda Al Sunna.

Xasan Kheyre ayaa waxa uu in mudo ah dalka ku soo waday been iyo indha sarcaad oo uu rumaysan  yahay in qofkastaa uu qayaani karo.