Drones nooca ciidamada oo Muqdisho lagu qabtay & Xildhibaan taageera Farmaajo oo sheegtay.

Reading Time: 3 minutes

Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde toddobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen, sida ay Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Rooble u sheegeen MOL.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, ayada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo. 

Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha xirxiraan, kadibna howl-geliyaan.

Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay soo faro-gelisay safaaradda Turkiga, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo dambi ay galeen. 

Sawirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MOL aay heshay ayaa muujinaya in aay yihiin nooca loogu talo galay basaasnimada, laguna xiro karo gantoolo wax ka dila meel fog.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye oo ka mid taageerayaasha Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa loo badinayaa in uu u ceeb qarinaayo Villa Somalia oo diyaaradahaan aay ugu deeqday Dowladda Turkiga.

Maamulka Puntland oo dhinaca kale qoraal soo saaray ayaa sheegay inaan diyaaradahan loo keeni karin. 

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka. 

Waxaa sidoo kale jira tuhun ah inay suurta-gal tahay in diyaaradaha loo waday dalal shisheeye oo kale. 

Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aysan la socon warqadaha iibkan, oo aysan caddeyn cida dhab ahaan iska leh, taasi oo sii kordhisay shakiga.

Hoos ka arag sawirrada diyaaradaha la qabtay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!