Dr,Gacal oo la sheegay in loo xiray Xog uu helay oo la Xariirta Xubnaha Al-shabaab Ee NISA Ku Jira!!

Reading Time: < 1 minute

Habeenkii Sabtida Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka waxaa ay gurigiisa kala baxeen Hogaankii Caafimaadka Ee Ciidamada Nabad Sugida(NISA)

Sida Warar loo baahinaayay Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii sabtidii  saacado uun ka dib markii Gaarigiisa Qarax lagu xiray uu ka dhacay Banaanka Gurigiisa, Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda

 Xogta waxaa ay sheegeeysaa in Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal uu ka mid ahaa shaqsiyaadka Khilaafka Xoogan ee nisa uu saameeyay iyadoo la Tuhmaayo in Xubno shabaab ka tirsan ay ku mid yihiin Hay’adda

Wararka aan heleeyno ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dhawaan la xiray ka dibna lasii daayay,sababta ugu weeyn ee Xariga Gacal ayaana ah in uu haayo liiska shaqsiyaad ka tirsan Al-shabaab oo Saraakiisha Nisa ka mid ah

Sidoo kale Xogta aan helnay ayaa waxaa ay tilmaameeysaa in Gacal loo diiday Reerkiisa in ay arkaan oo ay soo booqdaan,Ciidamada Nisa ayaa Jahwareer galay tan iyo markii Taliye Xusseen Iyo Fahad loo gacan geliyay.

Xigasho Caasimada.net