Mid ka mid ah aqoonyahanna Somaliyeed ee aad ula socda siyaasadda Somaliya Prof. Dr. Xasan Cali Nuur ayaa waxaa u faahfaahiyey tallaabooyinka ay dowladda qaadday shalay ee ku aadanaa Jubaland iyo la xiriirinta Kenya inay Soo faragalisay Arrimaha Somaliya.
Dr. Xasan oo ah aqoonyahan siyaasaadeed ayaa waxaa uu si qoto dheer u sarrifay habdhaqanka siyaasada dowladda MW Farmajo iyo Fahad oo raba inay dadka ka duwaan xaaladda dhabta ah ee dalka waxaanu sheegay in :
- In dadka laga duwo hadalka uu soo jeediyey MW Axmed Madoobe oo ah inaan Jubaland laga qaban Karin doorasho maadaama ay Maleyshiyaad uu Farmajo abuuray ay haystaan Gobolka Gedo oo ay tahay in in qeyb doorashada ka mid ah lagu qabto.
- In dadka Somaliyeed loo abuuro cadow cusub oo ah in Kenya ay xelligaan noo tahay cadow, halkii shalay MW Farmajo Itoobiya uu cadow nooga dhigay oo sidaas ay Barlamanka ugu codeeyey, maantana waa Kenya.
- In la raadiyo marmarsiiyo doorashada dib loogu dhigo si looga hadal dib u dhaca ay dowladda waddo.
- In laga meermeero in la fuliyo heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada wada gaareen oo ah in ay dalka Doorasho ka dhacdo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaas oo uu siiyey TV-ga RTN.