David Beasley oo ah Madaxa fulinta Hay’adda Cunna Aduunka ee WFP loosoo gaabiyo ayaa sheegay in Xasaradaha ka jira dalalka Somalia, Yemen, Koofurta Sudan iyo Waqooyi Galbeed Nigeria Xasaradaha ka jira ay sababi karaan Gaajo ay u geeriyoodaan dadka halkaa kunool.
Waax ahaan waxa uu sheegay in Dagaalo soo jiitamayay ay ka jiraan dalalkaasi, sanadadii lasoo dhaafayna ay ahaayeen gurmad sugayaal, hadii colaadda ay sii socotana waxa uu sheegay in ay suurta gal tahay in ay Cunno la’aan awgii ay u geeriyoodaan.
Colaadda ayuu tibaaxay in ay ugu darsoontay abaar ku dhufatay Deegaanada ay kunool yihiin, 60% waxa uu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo aanan helin gargaar cunno, isla markaana aanan garaneyn halka ay ka helayaan.
Qaramada Midoobe ayaa lacago gurmad u uruuriso dadka kunool dalalka ay colaadaha ka jiraan oo ay Somaliya qeyb ka tahay si deeq cunno ah loogu badalo