Was run kooxaha ka macaasha Musuqmaasuqa waxay sameyn doonaan qeylo dheer iyo inay masuuliyiinta qaar ceebo u raadiyaan, laakiin ma oga in masuulka laftiisa ay ku imaneyso seefta marka uu xataa is dib dhigo oo uu kuwa kale soo saxo.
Marka waa inaan xoog iyo dardar cusub gelinaa inaan dowladda lafteeda ku dhiirrigelinaa in cirib tiro musuqmaasuqa oo diin ahaan iyo dowlad ahaaba xaaraan ah.
MW Xasan Sheekh iyo RW Xamsa maanta waxay haystaan fursad weyn oo dadka iyo dalka Somaliya si ka wanaagsan madaxdii hore ugu adeegi karaan. Waxay u baahn yihiin oo dhan waa haystaan sida taageerada iyo kalsoonida Shacbiga, waayo waxay muujieen ina Shabaab oo cadowga koowaad ah in loo babac dhigo oo dagaal lagu qaado, waxaana dowladda ka sugeynaa inay bilaabaan wejiga labaad sida ugu dhaqsaha badan.
Tusaale ahaan, waxaa maalmahan Baraha bulshada xoog ugu socda dacaayado xooggan oo lagu hayo Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha si looga hortago isbedelka ay wadaan. Taasina Waa mid laga filaayey mucaaradka, Iyo cid kasta oo ka soo horjeedo isbedelka
Waa dhab in sixidda Musuqmaasuqa ay dad badani ka hor imanayaan waayo cidna ma rabto dheeraad khalad ah oo ay si sharcidarro ah ku haysato inay lumiso ama laga xero jid uu musuqmaasuq iyo laaluush ugu iman jiray, laakiin waa inaan loo joojin oo aysna MW iyo RW u nuglaanin dacaayadahaas. Ugu dambeynta waxaa sara maraya waxa wanaagsan oo ay qabtaan.
Musuqmaasuqa marka la qeexayo waa loo qeexaa: waa ku takrifal awoodeed, xafiis, ama hanti dadweyne oo ay ku takri falaan mas’uuliyiin dawladeed oo dano gaar ah ka leh, iyaga oo si baad ah ku dalbanaya ama laaluush ku bixinaya.
Waxa kale oo ay qaadan kartaa musuqmaasuqnimda qaab ay ku ilaashadaan xilalka xafiiska iyaga oo iibsanaya codadka iyaga oo soo saaraya sharciyo isticmaala lacagta cashuur bixiyayaasha iyo iyagoo ku gabbada ama ku hagoogta kooxo ku takrifalaya hantida umadda oo ay u isticmaalaan danahooda gaarka ah.
Maalmahan waxaad baraha bulshada ku arkeysaa dad aad u careysan oo ay cabsi weyn ka muuqato una diidan gudiga masuliyiinta sare ee dowladda ee Hantida qaranka kuwaas oo uu RW Xamsa u magacaabay inay hantida soo celinteeda ka shaqeeyaan. Waxaana la wadaa qoraallo iyo muuqaallo lagu weerarayo Madaxda saree e uu ugu horreeyo MW iyo RW.
Qaran ma noqon karno ilaa aan qabiilka ka guurno oo aan sawirka weyn wada fiirinnaa. Waa dhab in la dagaallanka Musuqmaasuqa uu xanuun badan leeyahay laakiin marka la saxo xanuunkaas farxad iyo Horumar ayaa badalaya. Marka dowladda waa in lagu qasbo inay kordhiso la dagaallanka Musuqmaasuqa oo meel wanaagsan soo gaarsiiso inta lagu jiro muddo xileedkaan si dowladda dambe ay u dhameyso gabi ahaanba Musuqmaasuqa nooc kasta oo uu yahay.
Akhriste Singapore Rabbi sideeda uma abuurin ee dunida kale ayey la mid ahayd,dadkeeda ayaa sidaas ka dhigtay, waa ka dhigi karnaa dalkeenna Singapore-ta Afrika laakiin waa in la helaa hogaamiyayaal leh aragti fog iyo hogaansanayaal ku taageera aragtidaas. Labadaas maanta waa muuqdaan Hogaamiyaasha waa Xasan iyo Xamsa, hogaansanyaashana waa adiga iyo aniga ee aan ku fekerno inaan martabadaas ku gaarno muddo dhow. Dowladdu waa in Lagu Qabsado u Debecaanaanta U Musuamaasuqa.