Boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa markale ku celisay sida ay uga go’an tahay kaalmeynta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, inta ay ku jiraan xilliga kala guurka.
Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeelatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Amb. Francisco Madeira waxa ay sheegtay bixitaan waqti hore oo ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya inay halis gelineyso ammaanka dalka,
Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika ayaa midaasi bedelkeeda waxa ay ku baaqday bixitaan tartiib tartiib ah oo ku saleysan awooda ciidanka ammaanka Soomaaliya.
Intii ay Muqdisho joogtay ayaa waxay booqatay xarunta booliska lagu tababaro taasi oo ay maalgaliso UK iyo xarumaha AMISOM, iyado ka codsatay wadamada adduunka in ay sii kordhiyaan deeq bixintooda lacageed ee ku aadan AMISOM.
Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika.