Dowladda Uganda oo Taliye cusub usoo magacaawday Soomaalia

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Uganda ayaa taliye cusub u magacawday Ciidamadeeda ku jira AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Taliyaha cusub oo durba xilka la wareegay ayaa u mahadceliyay Taliyayaasha kaga horreeyay howlgalka AMISOM iyo Madaxda Ciidanka Difaaca Uganda ee isaga u magacaabay.

Richard Otto, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM,waxana uu xilka kala wareegay Michael Kabango oo muddo sanad ah shaqeynayay.

Peter Elwelu, oo ah Taliyaha guud ee Ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa Taliyaha cusub ku sifeeyay in uu yahay nin khibrad u leh dagaalka ka socda Soomaaliya kuna kalsoonyihiin in u guul ka gaari doono.

Sidoo kale Taliyaha xilka wareejiyay Michael Kabango, ayaa sheegay in Taliyaha cusub uusan xilkan u gelin olole hayeeshee ay hoggaanka UPDF u garteen in uu yahay nin ka bixi kara shaqada adag ee taalla Soomaaliya.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya hadda ka jooga Ciidamo gaaraya  ilaa 6000 oo Askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa soo caga dhigtay 7dii March 2007dii xilligaas oo Ciidamo Itoobiyaan ah ay Magaalada Muqdisho ka saareen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.