Dowladda Turkiga iyo Qatar oo ku guulaystay in ay joojiyaan safarkii Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Ra’isal Wasaare  Xassan Kheyre ayaa labadii asbuuc ee la soo dhaafay ku goodinaayay in uu safar ku tagi doono dalka imaaradka  Carabta isaga oo sida uu sheegay  ka helay casuumad  dowlada Imaaraadka.

Hadaba labadii asbuuc ee u gudanbeysay ayaa  waxaa maalin kastaa  dib lo dhigayay safarkiisa iyada oo aan la shaacinin sababata keentay dib u dhaca safarka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Muqdishu Online ayaa sheegaya in safarka Kheyre oo markiisa hore ahaa mid qarsoodi isaga u ah lagana qariyay MD Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa waxaa is hortaagay dowladdaha Qatar iyo Trukiga. Labadaan wadan oo siyaasad midaysan ka leh Soomaliya ayaa u arka safarka Kheyre mid dhawacaya danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Xassan Kheyre ayaa safarkiisa waxaa soo qaban qaabiyay kana soo shaqeeyay shirkado  shidaal oo Ruush ah iyo ganacsato ku shaqeeyo suuqa madoow.  Hadaba waxa is weydiin leh in Kheyre safakiisa aadi doono iyada oo MD Farmaajo iyo kooxdisaa ka soo horjeedaan iyo in uu qaadan doono amarka  MD Farmaajo.