Dowladda Spain oo shaacisay tirada dadka muhaajiriinta ee xeebaha Dalkaasi ka dagay

Reading Time: < 1 minute

Ilaa iyo iminka sannadkan dhamaadka ah ee 2018, 55,949 muhaajiriin ayaa gaaray dalka Spain, taa oo marka la barbar dhigo labadii sano ee lasoo dhaafay aad uga badan sida ay dawladda sheegtay.

Dadka magangaliya doonka ah ee gaaray dalka Spain intooda badan waxa ay kasoo jeedaan qaaradda Africa waxaana ku jira dadyow Soomaali ah.

Inta badan dadka soo galootiga ah ee Spain tagay ilaa November 14-keeda 49,997 qof ayaa ka galay dhinaca badda iyaga oo dooma saaran sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Spain.

Warbixinta wasaarada ayaa muujinaysa in siyaabaha ugu muhiimsan ee badda ay u isticmaalaan muhaajiriinta ay tahay in ay u fududahay ka galida Spain dhanka xeebaha sida Jasiiradda Balearic oo ah Badda Mediterranean iyo jasiiradaha Canary oo ay xigto Atlantic Ocean.

Muhaajiriinta yimid badda waxay sidoo kale gaareen xeebaha Mediterranean ee Ceuta iyo Melilla, oo ah laba magaalo oo madax banaan oo ku yaal waqooyiga Afrika.

Rasmi ahaan wasaaradda arrimaha Gudaha ee dalka Spain ma shaacin tirada rasmiga ah ee Soomaalida gashay dalkaasi, hadana waxa ay sheegtay in dadyowga sanadkan dhamaadka ah ee gaaray Spain ay u badan yihiin kuwa kasoo cararay wadamo ay colaado ka jiraan.