Dowladda Soomaaliya shalay waxa ay ku guuleysatay in ay ka mid noqoto UNHRC, maantana waxaa ay taageertay dilka Wariye Jamal Khashoggi

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo Safiirka u fadhiya Soomaaliya Safiir  Abukar Cusman (Abukar Baale) ku guuleystay in Soomaaliya markii ugu horeeysay taariikhdeeda ay ka mid noqoto  Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqal Insaanka, ayaa hadana waxa ay tilaabadii ugu horeeysay oo ay qaatay noqotay in ay taageerto dilkii Wariye Jamaal khashoggi.

Madaxa Hay’dda Human Watch qeybteeda Bariga  Africa Maria Burnett aya waxa ay ku tilmaantay wax lala yaabo talaabada ay qaaday Soomaaliya.  Sidoo kale waxa iyaga ay ku noqtay ficil iyo   talaabo qaldan go’aanka  Dowladda Soomaaliya hay’adda Difaaca Udoodayaasha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay magaalada Kampala ee dalka Kenya.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa noqotay mid waalan oo gacanta ugu gashay koox aan fahmi karin muhiimada ay leedahay ka mid noqoshada  Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqal Insaanka. Waxaana muuqato in ay qar ka ridi doonaan danaha Soomaaliya isla markaana cadaawad cusub u abuurí donaan Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!