Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay qarixii ka dhacay Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada.

Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay kamid ah Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.