Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney howlgal ku dileen saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidamada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay,halkaasina ay ku dileen xubno ka tirsan Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018  in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab ee gobolka Baay.

Dowladda ayaa sheegatay in  hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Madax iyo Askar in lagu dilay.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee gobolka Bay, waxaana ay intaasi kusii dartay in howlgalkaan uu daba socday howlgallada maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Mudug.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in  ay howgal ku dishay 9 xubnood oo Shabaab ka tirsan.