Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Duqeeyn laga Fuliyay Soomaaliya Lagu Dilay 70-Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro ayku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Shabaab ku mashquulsantahay, mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada shabaab ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Shabaab, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Shabaab Soomaaliya ku nuumanaysa.