(Dhageyso) Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay Imaaraadka & Sucuudiga in ay ka shaqeynayaan burburka Soomaaliya.

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo maanta soo gaaray magaalada London aya saxaafadda u sheegay in ay jiraan dowlado ka shaqeynaya sidii ay u kala dhantaali lahaayeen midnimada Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka aya ku soo aadaya iyadoo oo maanta ay booqasho ku tageen wafti ka socda dalalka Qatar & IIRAAN oo uu RW Kheyre ku qaabilay magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa caaalamka ugu baaqay in la taageero dowladda Soomaaliya sidii ay uga hortagi lahayd dalalka raba in ay wax u dhimaan midnimada Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka aya dadka ka faallooda siyaasadda waxa ay sheegeen in uu aha mid loo soo dhiibay, waxaana ay sheegeen in uu hadalka wasiirka yahay mid ay ka danbeyso dowladda Qatar oo dagaal kula jirta dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar & IIRAAN oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta.

Shirkaa kaddib aya waxaa shir albaabada u xiran yahay waxaa RW Kheyre uu la qaatay wafdigii IIRAAN & Qatar, lamana oga waxa ay ka wada hadleen. Shirka waxaa kali ku ahaa RW Xasan Cali Kheyre halka wufuudda kale ee labada dal ay wada fadhiyeen shirka.