Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo saakay ku dhintay Qaraxyo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Wasiir Geelle, ayaa naxariista  Janno Alle ugu baryay Wariye Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!