Dowladda Soomaaliya oo hore u ogeyd qaraxyada, balse aan dheg jalaq u siin xogta ay heleen

Reading Time: 2 minutes

Waxaa taariikhda markey ahayd 20 Maarso 2019 taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Gen. Thomas D. Waldhauser iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamot ay kula kulmeen RW Kheyre iyo Gen Indha Qarshe Taliyaha ciidanka XDS garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Mareykanka Gen. Thomas D. Waldhauser iyo Safiirka Mareykana ee Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto. Garoonka Adan Cadde Muqdisho

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Kheyre ayaa MOL u sheegay in Mareykanka aay u sheegeen RW Kheyre iyo Gen. Indha Qarshe in aay suurto gal tahay in magaalada aay qaraxyo ka geystaan kooxda Shabaab maalmaha soo socdo.

Waxaa maalmahaan oo dhan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirtay cabsi iyo hadal haynta weeraro argagixiso oo Al-Shabaab ka geestaan magaalada Muqdisho, cabsidaas oo sababtay in dadweynaha Muqdisho ay habeenkii xaroodaan waqti hore balse ma jirin feejignaan amni.

Feejignaan dadweyne oo aad u sarreysa ayaa ka jirtay magaalada Muqdisho gaar, ahaan goobaha la isugu yimaado balse waxaa gaabis wayn iyo dadaal la’aan uu ka jiray hey’adaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Bidix ka bilow. RW Kheyre, Gen. Indha Qarshe iyo Gen. Thomas D. Waldhauser

Ma jirin baaritaano iyo wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadayn Ciidamada amniga maalmihii la soo dhaafay, balse waxaa aad looga hadal haayay cabsida iyo qatarta weeraro ka imaan kara Al-Shabaab.

“Cabsida weeraro ka yimaada Al-Shabaab aad ayey u taagneed maalmahaan balse waxaa ii muuqatay dadaal la’aan iyo feejignaan amni” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

“Wax la sii ogaa ayuu ahaa weerarkaan balse ma jirto dowlad ka hortagta, hey’adaha amniga shacabkii ayaa ka xog ogaalsan” ayuu Caasimada Online u sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya oo aan la dhacsaneen sida ay hada u shaqeeyaan Booliiska Soomaaliya.

 

Waxaa jirtay digniino la soo jeediyay maalmahaan kuwaas oo si toos ah loogu sheegay xarumo dowladeed oo ku yaala Gobalka Banaadir waxaana goobahaasi kamid ah Guriga Hooyooyinka oo ay ku shaqeeyaan Guddiga shaqaalaha rayidka iyo hey’ado kale.