Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in dowladda Soomaaliya ay soo saarto qoraal ay si buuxda raali galin uga bixin doonto lacagtii looga qabtay dowladda Imaaraadka Carabta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade. Qoraalka ayaa waxa lagu sheegi doonaa in ay qalad ahayd in lacagtaa laga qabto dowladda Imaaraadka isla markaana si ka baxsan anshaxa dublamaayisadda loola dhaqmay safiirka Imaaradka u fadhiya dalka Soomaaliya.
Dhanka kale sida ay MOL horay idinkuugu soo sheegaty RW Xassan Cali Kherye ayaa kulan gaara kula yeeshay saraakiil ka socotay dalka Imaaraadka intii uu ku sugnaa dalka Sacuudiga. Kulankaaas ayaa laga saxiixay RW Kheyre in uu ogolaasho buuxda uu ka bixyay mashruuca dekada Barbara oo ay maalgalinayso Shirkadda DP World.
Bishii Maarso 12kedii ee sandkaan aya Baarlamanka Soomaaliya ka soo saaray qaraar ay shirkadda DP World dalka uga mamnuucayaan, Qaraarkaas ayaa waxa uu wali yaalaa madaxtooyadda Soomalaiya iayada oo uu MW Farmaajo diiday in uu saxiixo qaraarka.
Baarlaamanka Soomaaliya aya waxa uu noqday goob dowladda Soomaaliya maamulato oo aan lahaynin ga’aan ay kula xisaabtamaan dowladda Fedaraalka ah.
Wasiiradda Arimaha Dibabadda ee dalalka Itoobiya iyo Eritireeya ayaa waxaa sidoo kale shalay soo gaarsiiyeen Madaxweyne Farmaajo fartiin deg deg ah oo ka socotay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo ahayd in ay MW Farmaajo dadajiyo soo saaridda qoraalka raali galinta ee uu horay balanqaadka ugu sameeyay Maxmed Bin Zayid markii u yimid dalka Itoobiya.