Dowladda Soomaaliya oo Boqorka Urdun ku taageertay Walaalkiis uu xiray

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada”

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal, isaga oo ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay, waxaana ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.