Dowladda Soomaalia oo la yacday Dhibane Askari Boolis Cumar Axmed Cibaar

Reading Time: < 1 minute

Cumar Axmed Cibaar Waa askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaalia waxa uu ku dhaawacmay howlgal ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ka dib markii halkaa ay Al-shabaab soo weerareen waxa uuna sheegay in halkaa uu ka soo gaaray dhaawac aad u xoogan oo saameeyay jirkiisa.

Cumar Axmed ayaa isaga oo ilmaynaya waxa uu sheegay in ay gebi ahaanba dayacday Dowladii halkaa gaysay waxaana uu xusay in uusan saxaroo karin hurdi karin ayna haysato xaaladii ugu adkeed ee uu qof beni aadam ah uu maro.

Ciidamada kala duwan ee u shaqeeya Dowladda Soomaalia ayaa marka ay dhibaato soo gaarto waxaa laga saaraa liiska ciidan nimo markii ay sugayeen in daryeel loo fidiyo waxaana arintaa ay niyad jab xoogan ku abuurtay Dhalinyaro badan oo rajo wanaagsan kalahaa in uun mar ka mid noqdaan Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaalia.

Ugu dambayntii Cumar ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda sare ee Dalka in loosoo gurmado oo xaaladaiisa wax laga qabto maadama uusan awoodin qarash uu ku aado Ciifimaad dibada ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!