Dowladda Somalia oo warqad calaacal ah u dirtay dowladda Kenya (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Soomaaliya aya markii ugu horreeysay jawaab ka bixisay falkii ay dowladda Kenya dalkeeda uga soo masaafurisay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal, iyadoo ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay ka baxday heshiiskii ay wada galeen labada wasiir arrimo dibad ee labada dal Somalia iyo Kenya bishii April 12, 2019.

Dowladda Soomaaliya ayaa warqadda ay dirtay waxa ay ku sheegtay in dowladda Kenya ay ka baxday heshiisyadii ay wada galeen iyadoo ku eedeeysay in dowladda Kenya ay dib u soo celisay in rakaabka diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay sii maraan magaalada Wajir taasoo ka hor imaaneysa heshiiskii ay galeen labada dal.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay sheegtay in tallaabooyinka ay Kenya qaaday ay ka hor imaanayaan xiriirka derisnimo  ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya in ay tixgeliso saameynta ka dhalan karta ficilladan iyo in ay ilaaliso xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale in ay dowladda Kenya ilaaliso anshaxa diblomaasinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Warqadda ay Somaliya u dirtay dowladda Kenya aya u eg mid uu ka muuqdo calaacal, kamana hadlin haddii ay Kenya tixgelin weyso heshiisyada ay wadagaleen wuxuu noqon lahaa falcelinta ay qaadeyso dowladda Somalia.

Halka hoose ka akhriso