Dowladda Somalia oo dhaqaale ku bixinaysa inay jahwareeriso Fadeexada ka soo wajahday Muwaadinka ay Itoobiya u dhiibeen.

Reading Time: 2 minutes

Dowladda Somalia ayaa wada qorshayaal ay ku jahwareerinayso Fadeexadda Qalbidhagax oo ah Muwaadin Soomaali ah oo loo gacan galiyay Itoobiya.

Illo Wareedyo Muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Muqdisho Online in dhaqaale lagu bixinayo in Baraha Bulshadda iyo Mareegaha Internet-ka lagu qoro warar Jahwareerin ah oo lagu sheegayo in C/kariin Qalbidhagax aan la qaban ee uu Wadahadal ku tagay Itoobiya oo Doorka Dowladdana ahaa fududayn oo kaliya. Waxaana sidoo kale ay Muqdisho cadaadis ku saartay Addisababa inay u dhigto warka sidaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa isagoo ka jawaabaya Dalabka Muqdisho u sheegay Wariyayaasha in C/kariin Qalbidhagax uu isku soo dhiibay Itoobiya, Doorka Dowladana uu ahaa oo kaliya fududayn. Waxaana uu Afhayeenkan sidoo kale sheegay in C/kariin oo horay uga mid ahaa Ciidamadda Somalia uu yahay Muwaadin Itoobiyaan ah, taasoo ka fog xaqiiqda.

Dhalinyaro badan oo saamayn ku leh Baraha Bulshadda ayaa Dhaqaale iyagana lagu siiyay inay dhinacooda ka jahwareeriyaan Fadeexadan oo ay u dhigaan Warka Muwaadinkan Soomaaliga ah ee Itoobiya loo gacan galiyay inuu ahaa Itoobiyaan Dalkiisa ku laabtay.

Falanqeeyayaasha Siyaasadda ayaa aaminsan in Jahwareerintan ay Dowladda Somalia waddo ay ku sii kordhinayso Fadeexadda, balse aysan waxba ka tarayn Xaalada hadda taagan oo sababtay inay Shacabkii kacaan.

Axmad Xasan oo ah Falanqeeye Siyaasadeed ayaa Muqdisho Online u sheegay in Madaxda Somalia ay haystaan Baasabooro Dalal kale, taasna aysan duudsiinayn Xaqii ahaa inay yihiin Muwaadiniin Soomaali ah, Waana sababta ay Fursad ugu heleen in iyagoo haysta Dhalashooyin kale ay hogaamiyaan Dalkoodii Asalka ahaa, sidaas si la mid ah ayuu C/kariin Asalkiisu yahay Soomaali xittaa haddii ay u dhigaan inuu haystay Baasaboor Itoobiyaan, isagoo aaminsan Axmad inaysan u noqon karin Dowladda fursad ay isku difaacdo inay ku tilmaanto Muwaadinka ay wareejisay inuu haystay Dhalasho Itoobiyaan ah.

Dastuurka Somalia waxa uu u oggolaanayaa Muwaadiniintiisa inay yeelan karaan 2 Jinsiyadood. Waana Sababta ay Soomaali badan oo haysta Baasabooro Ajanabi ah xilal uga hayaan Somalia.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa u sheegay VOA in C/kariin Qalbidhagax uu ahaa Nin Argagixiso ah oo ay u soo gacan galisay Dowladda Somalia, Waxaana uu uga mahadceliyay Somalia sideey ugu soo wareejisay Qalbidhagax oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Ururka ONLF oo uu ku tilmaamay Urur Argagixiso ah.

Si kastaba ha ahaateen Fadeexadda Qalbidhagax waxay gilgilishay Dowladda Somalia, waxayna carro wayn ku abuurtay Shacabka Soomaaliyeed oo ka gilgishay in Muwaadin Soomaali ah oo isagoo Dalka Difaacaya u dhaawacmay loo gacan galiyo Itoobiya.