Dowladda oo sheegtay in aay qabteen ninkii tuuray walxaha Qarxa & Shacabka oo beeniyay..

Reading Time: < 1minute
Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa lagu wadaa in aay goordhow shir jaraa’id qabtaan, iyagoo ka hadlaya dhacdadii maanta ee Xamar Weyne, halkaasoo nin waxyaabaha qarxa watay oo laga celiyay maqaayad ku taal City Mall uu doonayay inuu isku qarxiyo, iyadoo markii laga shakiyay ay ceyrsadeen ciidamada amniga, dabadeedna uu iska tuuray waxyaabihii qarxa, waxaana la sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen ninkaas.
Goobjoogayaal ayaa la hadlay saxaafadda gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in ninka la qabtay aanu aheyn kii waxyaabaha qarxa tuuray, inkastoo laamaha amniga sheegayaan in ninka la qabtay uu yahay kii waxyaabaha qarxa tuuray ee damacsanaa inuu isku qarxiyo maqaayada ku taalay Mogadishu Mall.

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay qarax ka hor ka dhacay Saldhigga booliska ee degmadaasi, sida uu sheegay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xamarweyne.

Nin looga shakiyay qarax ayey isku dayeen ciidanku in ay qabtaan balse waxaa la sheegay in uu ku tuuray jaakad ay qaraxyo ku xirnaayeen, waxayna dhaawacyo ka soo gaareen ciidan, taliyaha Saldhigga iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Ciidanka ayaa qabtay ruuxii damacsanaa in uu isku qarxiyo Saldhigga booliska ee jaakadii Qaraxa ka cararay.

Ciidamada amniga aya baaritaano ka wado goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona gabi ahaanba xiray halka uu qaraxa ka dhacay.

Booliska ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah inkastoo shaki laga muujiyey qaraxan oo aan noociisa hore loo arag.