Dowladda oo laga ilaalinayo ku Tumashada Joogtada ah ee Distuurka. Akhriso

Reading Time: 2 minutes

Waxyaabaha uu dalkannaga yaabka ku leeyahay waxaa ka mid dowladdii loo igmaday inay distuurka dalka ilaaliso ayaa ah in iyada laga ilaaliyo ku tumashadiisa. Xisbiga UPD oo ka tirsan xisbiyada dalka ka jira ayaa waxay maanta soo saareen qoraal ay dowlaadda ku edeynayaan inay jabisay distuurka dalka.

Dowladda waxay xisbigaan UDP ku eedeeyen inay baal martay distuurka KMG ah waxaan bayaanka lagu yiri “Sida ku cad Qoddobka 120aad ee Dastuurka KMG, arrimaha doorashooyinka Maamul Goboleedka Galmudug (Sida dawlad goboleedyada kale) waxaa qorsheyntooda, agaasinkooda iyo qabashadoo- daba xaq u leh keliya hay’adaha uu xaqsiinayo dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug oo ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Maamul Goboleedka Galmudug oo loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo oo laga dhowro faragelin kaga timaada dawladda dhexe

Haddaba waxaa wax lala yaabo ah in dowladdu ay u bareerto inay distuurka ay wax ku tahay ay iyadu jebiso, taas oo keeni karta in dalku isku dhexyaaco iyadana ay lumiso sharciyadda ay wax ku tahay. Dowladda dhowr jeer hore ayaa loogu baaqay inay ilaaliso distuurka.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada  iyo xisbiyada dalka ka jira ayaa dhowr jeer uga digay arrintaas,  hasa yeeshee  dheg jalaq uma siiyo oo waxay ku tumataa dhammaan distuurkaa iyo iyadoo cad ugu xadgudubta xuquuqda muwadiniinta.

Dad badan ayaa waxay aad uga caroodaan markii la waayo hay’ad mid kale saxdaa waayo dowladdu waxay ogtahay inuu dhintay barlamankii la xisaabtami lahaa oo ku khasbi lahaa dowladda inay ilaaliso waxa lagu heshiiyey oo ah waxa qoran ee ay wax ku tahay. MW Jubalanad Axmed Maxamed Islan’Axmed Maadoobe” oo arrinkaas dowladda u sheegaya waxa uu yiri:

Xisabiga UPD oo ka walaacsan jidka ay wax ku socdaan ayaa soo saaray qoraalkan uu dowladda ugu sheegayo qodobka ay jebisay iyo waxa looga baahan yahay dowladda.

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/06/BAAQA-UPD-EE-GALMUDUG-JUNE-2019.pdf” title=”BAAQA UPD EE GALMUDUG JUNE 2019″]