Dowladda oo la Ogaaday in ay Ugu Awood Badan Yihiin Labo Shaqsi oo Ilmo Adeer la ah Xassan Cali Kheeyre!!!!

Reading Time: < 1 minute

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu sheegaa inay leedahay dhowr lataliye oo awood badan ku dhex leh siyaasada Madaxtooyada, waxayna qeyb ka yihiin go’aanada deg dega ah oo Dowlada ay qaadato.

Xog gaara oo ay Wakaalada Muqdisho Online ay usoo gudbiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayay ku sheegeen in awoodo qarsoon oo aan la ogeyn ay leeyihiin Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Xuseen Macalin Maxamed oo La taliye u ah Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Mustaf ma qarsan arrintan waxaana mar waliba lagu arkaa shirarka iyo xafladaha xukuumadda iyo Gobolka Banaadir, waxayna dadka qaarkii ugu yeeraan nin ka shaqo badan wasiirada qaarkood oo dusha ka haga shaqada xukuumadda.

XUSEEN MACALIN MAXAMED: Waa la­taliyaha madaxweyne Farmaajo ee dhinaca amniga Qaranka, wuxuuna ka mid ahaa mas’uuliyiintii ugu horeeyay ee la magacaabo, waxay saameyntiisa soo baxday kadib markii uu si weyn ugu lug yeeshay Qorshaha Amniga Qaran ee muranka ka dhashay, waxaa la sheegaa inuu la wareegay shaqadii wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha oo uu yahay mas’uul idman oo madaxweynuhu leeyahay.