Dowladda oo ka Aamusan Arrinta Badda Ciddii ka Hadashaana ugu Hanjabta Dacwad iyo Xarig. Akhriso

Reading Time: 4 minutes

Kadib markii MOL daabacday maqaalkan ayaa dowladda Somaliya waxay bilowday inay ka hadasho arrinta Baddeenna ee ay Kenya nagu haysato. Hasa yeshee dowladda halkii ay naga siin lahayd warbixin dhameystiran waxay sameysay handadaad iyo caga jugleyn oo dalka, dadka iyo dowladdaba aysan dan ugu jirin. Waxay ahayd in dowladdu siiyo arrintaan mudnaan heer sare ah oo uu RW ama madaxweynaha ay umadda la hadlaan una sharraxaan xaaladda dhabta ah sidii MW Xasan sheekh uu sameeyey.

Haddaba mar kale waxay MOL idin soo gudbineysaa xogag kale oo ku saabsan arrintaan;

Xiriirro aan la sameynay xafiisyo dhowr ah oo kala duwan waxaa inoo baxay qoddobadan:

  1. In dowladdaha Somaliya iyo Kenya ay si hoose ugu heshiiyeen:
  2. In Kenya ay dardargeliso arrimahan una muujiso dunida inay tahay arrin saameyn weyn ku leh nabadgelyada gobolka iyo tan gudaha Somaliya si caalamaka uu u soo farageliyo si shacbiga Somaliyeed loo oggoleysiiyo in wadahal lagu dhameeyo rabitaanka Kenya ee baddeennana lagana gorgortamo inta ay qaadaneyso oo ay raali ku tahay.
  3. In Kenya ay geyso arrintaan Qaramada Midoobay oo arrinka aan loo fiirin muran badeed ama dhul ee loo eego khater gobolka ku soo fool leh.
  4. In Maxakamadda Caalamiga ah loo gudbiyo in dacwdda Badda ee Kenya oo Somaliya ku haysata Baddeeda loo wareejiyo dacwadaha aan degdegga ahayn ee soconaya 7-15 sano iyadoo ay hadda dacwadeenna ka mid tahay kuwa loo yaqaanno dacwooyinka degdegga ah (fast Track) oo ay tahay in ku dhamaato 5-7 sano gudahood go’aan cadna looga saaro. Waxaana arrintaas qeyb weyn ka ah dowladaha Qater iyo Norway. Qatar waxay dhowaan kaga guuleysatay dacwad calami ah dalka Imaaraadka annagana waxay nag u riixeysaa inaan Kenya qeyb u goyno.
  5. In dowladda Farmajo iyo Kheyre ay arrinta ka aamusto oo aysan difaac kala hor iman dadaalka dibolomaasiyadeed ee ay Kenya ka waddo caalamaka oo dhan, waxaana Tusaale cad ku ah  in  shir lagu qatay dalka Mauritius  in 20 June 2020 Kenya loogu doortay inay hogaamiso labada sano ee soo socota kooxda la socodka arrimaha badda Soomaliya ee burcad badeedda “the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS)”. Dowladda Somaliya waxba kama dhihin arrintaan mana geysan wax diidmo ah oo heshiiska ay Kenya hoosta kala gashay ayaa sidaas faraya Farmajo iyo Kheyre. Halkaan ka akhriso: http://46.101.175.207/kenya-elected-to-chair-contact-group-on-piracy-off-the-coast-of-somalia/.
  6. In saxaafadda Somalida laga badalo jihada ay arrintaan u warineyso lana siiyo wararka ay dowladdu rabto in la sheego, iyadoo loogu talagalayo marrin habaabin iyo jihayn Shacbiga laga jeedinayo xaaladda dhabta ah ee arrinkaan badda waxaad fiirsataa doodda ay qabatay Universal TV oo uu daadihinayey wariye Cagmadhige oo ku jarayey hadalka qofkii dowladda eedeeya.
  7. In dacwad beenaad dana gaar ah laga leeyahay loo diyaariyo, markii loo baahdana lagu oogo shakhsiyaadka arrinta badda ku raad yeeshay sida Cabdiraxman Cabdishakuur iyo R/W hore Cumar Cabdirashiid, iyadoo ay dantu tahay in dadka la maaweeliyo, kwaas shararka laga jeexjeexo.
  8. Inaan marnaba la soo hadal qaadin dadkii kaalimaha wanaagsan ka galay arrintaan iyo howshii qiimaha baadneyd ee ay dowlaaddii hore ka qabtay.
  9. Wasiirka arrimaha dibbada ee Somaliya waxaa uu ku mashquulsaan yahay shidaal gadid iyo boobsiis heshiisyo aan si fiican looga baaraan dagin, halka RW Kheyre uu isna mashquul ku yahay jid u falista SOMA OIL and GAS in loo sallaxo inay qaadato 12 xermo(Blocks), Xaraaskha Shidaalka oo ay haddaba wasiirka Batrool iyo Waafdi ay hogaaminayaan uu Yurub u joogaan xaraashkaas. MW Farmajo waxaa uu ku mashquul yahay sidii loo ridi lahaa seddexda mamaul goboleedd ee wax laga cuni la’ayahay ee Jubaland, HirShabeelle iyo Galmudug madaxdooda oo loogu badali lahaa dad la is leeyahay waxay ku kaalmeyn doonaan soo noqoshada Farmajo haddiiba doorasho la qabto 20/21.

Haddaba Dadka Somaliyeed ha u fiirsadaan dhammaan dhacdooyinkan:

  1. Madaxda dowladda oo bilaabi doonta inay arrinkaan uga hadlaan si ka duwan sidii ay ahayd in looga hadlo eedeynna dusha uga tuuri doonta saxaafaddii si dhab ah uga hadasho iyo siyaasigii ay waddaniyadiisa ka sara marto dantiisa oo afkiisa ku difaaca dalkiisa.
  2. Saxaafadda iibsan ama laaluush qadatay oo bilaabi doonta inay afka dowladda ku hadlaan oo bilaabi doona inay eedeeyaan dad aan wax ka qaban Karin arrinta hadda sida shacabka, iyadoo aysan marnaba soo hadal qaadin dowladda oo kaainteeda ay si aad ah u maqan tahay iyo dowladda oo aan marnaba war saxan ka sheegin arrinta dacwada ee ama ka afqabsata ama si aan sax ahayn wax uga sheegta.

2020/2021 waa sannad uu dalku marayo marxalad aad u adag lagana rabo shacbiga inay la socdaan xaaladda dalka sida dhibaatooyinka ka soo fool leh maamul goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle oo keeni kara xaalad dagaal iyo arrinta dacwadda badda oo laga duwo waddada saxda ah loona duwo waddo aan laga soo celin Karin.

Ugu dambeyn Dawladdu  halka dadka ka hadlaa dhibaatada ay eedeyn u soo jeedin lahayd maxay iyada u hadli la’adahay. Sow ma ahan sida saxda ah inay hoogaamisaa siyasadda ee aysan isticmaalin siyaasadda ammusnasnta  oo  uu Wasiir Goodax sheegay.

Haddaba akhriste, Sida ku cad sawirkaan waxaa muuqata in dowladdii hore ay aqoonyahannada iyo bulshada rayidka xataa ka qeyb gelisay hawsha difaaca badda Somaliya, halkan dowladdan laga la’ayahay hogaamin iyo tilmaamiddii looga baahnaa. Madaxdaa ayaa dalka iyo dadka hogaamisa ee ma dabakacdo, mana xanaaqdo marka ay shaacbiga difaacdaan danahooda kaadib markii ay ku hungoobaan kuwii ay u igamadeen.