Ciidamada Amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay is hor istaag ku sameeyeen munaasabad ladoonayay in lagu soo dhaweeyo 20 Xildhibaan ee uu dhawaan soo gudbiyay Maamulka Ahlusunna Waljameeca.
Ciidamada Amaanka ayaa waxa ay qaban qaabiyaasha Munaasabada kuwargeliyeen in ay joojiyaan xaflada aysana Magaalada kuqan kirin wax munaasabad ah.
arintaa ayaa imaanaysa Xili Laamaha Amaanka Dhuusa-mareeb kol hore ay sheegeen in aysan Magaalda ka dhici karin Munaasabad aanan lagu soo wargelin.