Maxkamadda ciidamaa Qalabka sida ayaa digniin u dirtay sarakiisha ciidamada dowladda kooxaha mucaaradka ah ee la sheegay inay hubka sharci darrada ah ku heysta Guryahooda, kasoo ka badan difaaca nafta.
War kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare C/llaahi Buule Kamey ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Ciddii lagu helo, iyadoo hub sharci daro ah ku dhex heysata xaafadaha degmooyinka Gobalka Banaadir.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah dadka hubka ku dhex sida xaafadadaha Muqdisho, isagoo amray in si degdeg ah loo diiwaangaliyo hubka iyo Gaadiidka ay leeyihiin Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayaa sabab looga dhigay in kiisaska denbiyada ah ee hor yimaada Maxkamadaha lagu galo hubka ciidamada, dadka qaarkoodna ay heystaan hub culus.
Dowladda ayaa sida la sheegay qorsheyneysa in aay guryahooda baarto dhammaan shaqsiyaadka aay mucaaradka u aragto iyo dhamaan qof walba oo dowladda ka qabto in aay iska caabin karto haddii uu yimaado iska hor imaad