Dowladda Federaalka ayaa ceyr u bilowday shacabka Soomaaliyeed!!

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

MW Farmajo ayaa sheegay inuu daaha ka rogay barnaamij si fiican loo soo agaasimay oo uu wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa uu soo bandhigay. Barnaamijka waxaa loogu magac daray Baxnaano.

Waxaan u qaadannay inay dowladda NN markaan ka xanuunsatay dhibaatada iyo gaajada ay shacbiga baday muddadii ay dalka ka talineysay oo Cudurka dilaaga ah ee Karoona laguu sii daray. Waxaa qalbiga naga gashay  maadaama uu cimrigeedii soo gabagabooyo muddo maalmo tirsani ay ka hareen waqtigii loo igmaday balsa laga shallayey  inay lacagihii ay Qater joogtada u siin jirtay ay goosteen inay shacbka wax ka soo gaarsiiyaan inta uusan gabalkoodu dhicin oo aysan habaar iyo huruuf kala tagin Villa Somaliya.

Hasa yeeshee waxaa noo soo baxay wax aan aad ula yaabnay oo runtii naxdin iyo ceeb iksu jirta ah. Dowladdan NN oo uu xataa madaxweynaheedu garan waayey cimri tagay ceeb laguma sagootiyee bal intii markaan ah dadka runta u sheeg oo u sheeg  waxaa uu yahay barnaamijkaan Baxnaano oo rabbi ka cabsoo ha ku been faanin.

Baxnaano

Baxnaano waa mashruuc ay si wada jir ah u maamulayaan labada hay’adood ee caalamiga ah WFP iyo Unicef, waana barnaamij lagu fulinayo seddex qodob:

Qaybta 1: Lacag toos oo aan lala xiriirin nafaqada oo qofka toos ay labadaan hay’adood ugu tuurayaan qofka telfoonkiisa iyagoo isticmaalaya hay’adaha isgaarsiinta sida Hormuud (EVC)..

Qaybta 2: Nidaamyada kor u qadista iyo Dhismaha Awooda Hay’adaha oo ay iyagu toos u maamulayaan

Qaybta 3: Maareynta Mashruuca, Korjoogteynta iyo Qiimeynta, iyo Maareynta Aqoonta.

Haddaba mashruuca waxa kaliya ee ay dowladda NN ku leedahay waa inay uun ka warqabtaa inuu jiro mashruucaan laakiin wax talo ama shaqo ay ku leedahay ma jirto.

Lacagtaan oo mamulkeeda tooska iyo kan dedbanba waxaa maamulkeeda Iska leh WFP  oo dadka danyarta ah EVC ahaan ugu tuuraysa waxayna heshiis la galaysaa Hormud. Marka dowladda il ma saareyso wax lacag ah mana ogaan karto meel ay martay.

Beenta iyo Dacaayad u isticmaalka deeqdaan

Dowladdan NN oo afar sano ku dhawaad dalka ka lumisay ayaa haddana wali waxay sii waddaa inayhugurguri si daayaacad ah uga raadiso xanuunkii gajadii ay iyada u abuurtay danyarta Somaliyeed. Faan jaceyl darted deeq ay bixiyeen hay’adaha caalamiga ah una dhiibeen inay u maamulaan labadaan hay’adood ee WFP iyo Unicef ayaa waxaa kooxaha u qaaqleeya dowaldaan ay u sheegtay inay tahay Ceyr ay bilowday. Waayo dowladda NN  waxba laguma aamini Karo waayo waa taas iydoo wax shaqo ah aan  kulahayn bilowday inay ku faanto inay iyada ceyr bixineyso.

Masharuuca been ku faanka ah waxaa aad uga xanaaqay hay’adaha wada kadib markii ay dowladda NN u isticmaashay dacaayad iyo faan iyadoon xataa ogaan Karin cidda wax loo diray iyo inta loo diray toona.

Dhab ahaantii Somaliya waxaa ku dhacday nasiib xumo yaab leh waxaana Allihii ummadaan abuurtay uga baryeynaa inuusan isugu darin dawlada Xumo iyo gaajo ay iyada abuurtay  iyo cudurkaan saf marka ah oo horaba u bilaabay inuu dilo dad dhowr ah. Madaxweynihii la rabay inuu caalamka u qeyliyo oo uu taageero u weydiiyo dadkiisa baaba’ayaa si boob ah oo arxandarra ah  u soo qaatay mashiinkii lagu neefsan lahaa oo masaakiinta lagu badbaadin jiray taasina waxay kordhisay u dhimashada neef qabatoonka cudurkan.

Haddaba akhristow dib u baar goorta ay MOL lahayd war dowladdaan NN ha la iska qabto inta aysan halaag umadaan u horseedin.