Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si kulul ka hadashay xaaladda Gedo iyo ciidamada dowladda Federaalka ku qabsatay magaalooyin ku yaalla gobolka.
Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa sheegay in aan la aqbali karin ciidamada milateriga ee sida siyaasadeysan ay dowladda Soomaaliya ugu daadgureysay Gedo, kuwaasoo xaalad colaadeed ka abuurey gobolka.
Isagoo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter wuxuu shaaciyay in tallaabada dowladda qaadey ay weecineyso dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga iyo xasilinta Soomaaliya.
Mas’uulkan katirsan dowladda Mareykanka ayaa xusay in 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga dalkooda.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si deg deg ah usoo afjaro duulaanka lagu qaadey gobolka Gedo, oo horey xasilooni iyo nabad uga jirtay.
Hadalka Rodney Hunter ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Mareykanka ay bedeshay siyaasadeeda ku aadan Jubaland, iyadoo wafdi uu horkacayay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo wehliya taliyaha AFRICOM ay Kismaayo kula kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe.