Dowladda Mareykanka oo ku eedeeysay hay’adaha amniga DF “Musuqmaasuq & eex Qabiil”

Reading Time: < 1 minute

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay sida loo maamulo hay’adaha amniga dalka waxayna sheegtay in qatarta ugu weyn ee cadowga ka faa’iideysanayo ee ka jira hay’adaha amniga ay tahay “Musuqmaasuq, eex Qabiil” taasoo ay sheegtay in ay ka faa’iideysanayaan cadowga.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka oo lasoo dhigay barta twitter-ka ayaa sidoo kale looga digay musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka Soomaaliya.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo eex qabiil waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma cadda waxa xilligan kusoo beegay qoraalkan, hase yeeshee wuxuu imanayaa maalin kadib markii askari Mareykan ah uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Toddobaadkii tegay dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in in ka badan 3 bilyan oo dollar ku bixisay amniga Soomaaliya, sidaas oo ay tahayna aanay ka muuqan wax horumar ah oo la taaban karo.