Dowladda Mareykanka oo kordhisay duqeymaha ay la beegsaneyso Saldhigyada Ururka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarrada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedaadaan fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Diyaarado dagaal ayaa xalay mar kale duqeymo ku bartilmaameedsaday xeryo ay Al Shabaab ku leeyihiin deegaanno ka tirsan degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen madaafiic dhowr ah oo lala dhacay meelo la rumeysan yahay in ay ku suganyihiin Al Shabaab, iyadoo aan wali la xaqiijinin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ugu dambeeyay.

Shalay ayey taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen in ay 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo darraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray.

Deegannada labada jeer ee isku dhow la duqeeyay ayaa ka tirsan Camaara iyo Caad.

Bishii Octoober ee la soo dhaafay ayey milatariga Mareykanka sheegeen in ciidankooda ka howl gala Soomaaliya ay duqeyn la qorsheeyay ku dileen ilaa 60 qof oo ahaa dhallinyaro ay Al Shabaab qoratay oo ku jiray xero tababar.

Sannadkan 2018-ka gudihiisa, 29 weerar oo xagga cirka ah ayey Mareykanka ka fuliyeen meelo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaana dhammaantood lagu bartilmaameedsanayay dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab.

Sannadkii la soo dhaafay ee 2017-kii ayaa sidoo kale waxay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen 27 weerar oo noocaas ah.

Bishii Maarso ee sannadkii 2017-kii, ayuu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump amar ku bixiyay in la xoojiyo weerarrada deg degga ah ee lala beegsado Al Shabaab, si gacan loo siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Shabaab.

Bayaan ay dhawaan soo saareen taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsado Al Shabaab ay yareeyaan dhaqdhaqaaqyada kooxdaas iyo weerarrada ay damacsan yihiin.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa hadda ku doodaya in howlgalladoodu aysan waxyeello ka soo gaarin dad rayid ah.