Dowladda Maraykanka ayaa joojisay Dhoolastus millateri oo ay ka samayn lahayd Berbera 15 Bishan February.
Dhoolatuskaan ayaa waxa ka qayb gali lahaayeen dalal badan sababaha ay ku joojiyeen ayey ku sheegeen xaaladaha Amni xumo ee soo wajahay Gobollada Waqooyi Somalia waxayna sheegeen inay si dhow ula soconayaan xaaladda Amni ee Gobolladan, Maraykanka ayaa yiri.
”Waxa aanu ka xunahay in aanu shaacino in dhoolatuskii ciidan ee la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Berbera uu baaqday sababo la xidhiidha khalkhal amni iyo xasilooni daro ka jirta deegaanka. Badbaadada shaqaalaheenna iyo shacabka ayaa weli ah mudnaantayada koowaad, waxaanan sii wadi doonnaa inaan si dhow ula soconno xaaladda.” Sidaas waxa yiri taliska ciidanka Maraykanka