Dowladda Maka warqabtaa Duqeeymaha Cirka ah Ee Laga Fulinaayo Gobolada Dalka??

Reading Time: < 1 minute

Ka war qabid la’aanta hawadaada iyo Dowladaha Diyaaradaha ku dhex sita oo adan ficilkooda la socon Mudanayaal soo ma ogidiin in dhibaato ay ka dhalatay kana dhalaneeyso.

Inta badan Gobolada Dalka waxa ka dhaca weeraro ay fuliyaan Diyaaradaha Dowladaha taageera Soomaaliya iyadona weeraradasi dhibatoyin kala duwan garsiyan.

Dad badan ayay wax yeelo ka soo gaartay Duqeymaha ay fuliyan diyarada dagaalka waxaase muuqata in Dowlada aysan kaalin ku laheyn duqeymahasi la fulinaayo.

Ogaanshiyo la’aantaasi ayan wax badan la iska weydiinin sida muuqata waxaana tira dhowr jeer ah dhacday in dad shacab ah duqeymo lo geytay iyado dowlada an war u heynina ay si doqonimo ay ku dheehan tahay sheegtay in dadkaasi ay ahayeen al shabaab,xili danbana la ogaday in ay shicib ahayen.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya aya inta badan Duqeymaha geysta lagumana wargaliyo Dowlada Soomaaliya iyo cida sida qaaska ah u hoos tagto.

Weeraro kala duwan ayay geesteen kuwasi lagu layay,Beeraleey,Ciidan ka tirsan Galmudug oo an weli xal laga gaarin,Xoola dhaqato,iyo dad ku sugan guryahooda.

Naga daaya beenta iyo ogaansho la’aanta ama Xilka isaga daga dadka ka war qab la’aantiina dhulka soomaaliyed baa lagu boobaya iyo danyarta oo hawadooda iyo dhulkoda lagu laayo.