Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday in ay dib u fureyso xadka ay wadaagaan soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u fureyso xadka ay wadaagaan degmooyinka Beledxaawo iyo Mandera ka dib markii ay sheegtay in Xaaladda Ammaanka ee xadka ay noqotay Mid wanaagsan sidoo kalena qeybo ka mid ah uu gaaray Dariga ay ka dhisayso xadka.

Xadka degmada Mandera ee dhanka Soomaaliya ayaa xirnaa Muddo dhowr sano ah ka dib markii ay kordheen Weeraradda Al-Shabaab ee degmada Mandera oo ay maamusho Kenya ay ku qaadayaan.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ku guuleysatay in darbi gaarayay ilaa 20km tan iyo bilowgii sanadkii 2015 in ay ka dhisto Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xubno ka socda guddiga Difaaca iyo arrimaha arimaha dibadda ee baarlamaanka Kenya ayaa gaaray goobta dib loo furayo, waxaana ay sheegeen in Bulshadda ay dhibaato badan ay ku qabaan xirnaanshaha xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa sidoo kale kormeeray xayndaabka dhererka ee darbiga laga dhisay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay sheegeen in Mustaqbalka dhow lasii ballaarin doono xadka ay wadaagaan labadda dal.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mandheera Maxamed Arai ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ay hoos u dhaceen  saddexdii sano ee la soo dhaafay, Waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in dib loo furayo Xadka.