Dowladda Kenya oo ku andacooneysa in xiisada ay ka dhalatay ballan ka bixii MW Farmaajo (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Sida laga soo xigtay saraakiil Kenyaan ah oo la hadlayay wargeyska The Sunday Nation, dowladda Kenya ayaa dadaallo horleh ku bixineysa sidii ay wadahadallo ay ula furi laheyd Soomaaliya kaddib markii ay fashilmeen wadahadalalladii hore iyo ballan qaadkii uu sameeyay MW Farmaajo mar uu booqasho ku yimid magaalada Nairobi isagoo uu keenay RW Itoobiya si xal loogu helo khilaafka labada dhinac iyo muranka xuduud badeedka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiis dhexdhexaadin ah oo u dhexeeyay Somalia & Kenya oo ka dhacay magaalada Nairobi Kenya bishii Maarso 7, 2019. Xilli MW Farmaajo laga soo kaxeeyay magaalada Adis Ababa

Dowladda Kenya aya ku eedeysay MW Farmajo in uu ballan qaaday in muranka lagu dhameyn doono qaab diblomaasiyadeed iyadoo ay gar wadeen ka noqon doonaan wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, balse markii wadatashi la sameeyay dowladaha Ingiriiska & Norway ay kula taliyeen in uu ka noqdo ballantaas.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale gal-dacwadeed cabasho ah ka gudbineysa dalalka Ingiriiska iyo Norrway iyada oo ku eedeyneysa in ay sii hurinayaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Soomaaliya.

“Wadahadalladu waa jidka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya dowladaha waana jidka kaliya ee aan hadda baadigoobeyno” ayuu yiri Cyrus Oguna oo ah afhayeenka dowladda Kenya.

Isbedelladan cusub ayaa ku soo aaday xilli ay Qaramada Midooby soo saartay digniino ku aadan in shirkadaha shidaalka ee reer Galbeedlka looga digayo in la siiyo ruqsado shidaal qodis ah, taas oo sii kicin karta heerka khilaafka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Khilaafka u dhexeeya labada dal ayaa bilowday 2014-kii xiligaa oo ay dowladda Soomaaliya dacwad ka gudbisay dowladda Kenya iyada oo ku eedeyneysa in Kenya ay baaritaan shidaal ka wado dhul ay Soomaaliya leedahay oo gaaraya 100,000 oo kiilomitir oo laba jibbaaran.

Soomaaliya ayaa dooneysa in lagu kala baxo shuruucda caalamiga ah ee badaha iyo sida ku cad sharciyada maxkamadda ICJ, halka Dowladda Kenya ay rabto si waafaqsan go’aan uu horay u gaaray madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Moi 1979, kaas oo sheegayey in biyaha hadda muranku uu ka taagan yahay ay Kenya leedahay.