Warar laga helay Dowlada Kenya ayaa sheegaya in dowlada Kenya go’aansatay in ay xirto Xeryaha Qaxootiga ee Dhabaab. Hadalka ka soo yeeray dowlada Kenya ayaa ah mid dhibaato badan u keeni doono dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
In ka badan 400,000 oo kun oo qaxooti ah ayaa hadda ku nool xeryooyinka Dhabaab ee dalka Kenya, qaar ka mida qaxootigaas waxa ay ku noolaayeen xeryooyinkaas in ka badan 20 sano. Ma jirto qorsho dib-u-dajin oo ay dowlada Soomaaliya u haysto qaxootigaas. Waxaa taas ka sii daran dalka waxa dib uga bilaawday dagaal u dhaxeeya Al Shabab iyo dowlada, degaano badan oo ka mida goobihii ay ka yimaadeen dadka qaxootiga ah waxa la wareegay kooxda Al Shabaab.
Inkastoo aan la cadeeynin sababta rasmiga ah oo ay dowlada Kenya u xireyso Xeryaha Qaxootiga hadaba waxa lala xiriirinayaa qilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay labada dal.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka ka soo yeeray Dowlada Kenya, mana muuqato in ay waqti galinayso sidii dadkaas Soomaaliyeed loogy heli lahaa dib-u-dajin.