Dowladda Kenya oo heshiis iskaashi la saxiixatay Dowladda Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Waxa bishaan 27 keedii heshiis iskaashi ku kala saxiixday magalada Mombasa, Gudoomiyaha Gobolka Mombasa,  Mudane Xassan Joho iyo wakiilka gaarka ah ee Somaliland ee dalka Kenya Mudane Bashe Cumar. Heshiiskaan ayaa dhigayo in labada dhinac iska kaashan donaan dhanka Ganacsiga iyo wada shaqeynta labada dekadood ee Barbara iyo Mombasa.

Dowladda Somaliland bilihii  u danbeeysay sanadkan waxaa ay dar-dar galisay sidii ay sare ugu qaadi lahaa xiriirka kala dhaxeeya wadamadda Dariska ah iyo wadamadda Khaliijka. Waxa ay ahayd asbuucii hore markii uu safar ku yimid magaladda Hargeysa taliye  ku Xigeenka Nabadsugida ee dalka Sacuudiga. Somaliland aya u muuqata mid ka faa’iidaysanaysa hogaan la’aanta Soomaliya iyo maqanaanshaha siyaasad tayaysan ee Arimaha Dibadda. Xassan Joho ayaa la filayaa in uu ka mid noqdo madaxda u tartami doonta kurisaga madaxweynaha ee dalka Kenya.

Dhanka waxaa la rajaynaa in madaxa Mucaaradka  dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu booqasho dhawaan ku tagi doono Somaliland. Raila ayaa waxaa uu dhawaan la heshiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxana uu hadda caalamka ka iibiyaa siyaasadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta.