Sida ay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Kenya u xaqiijiyeen MOL waxaa lagu wadaa in Dowladda Kenya ay xirto toban ka mid ah xawaaldaha Soomaalida ee dalkaas ka howl-gala.
Qaar badan oo ka mid ah xawaaladaha ayaa maanta baaritaan lagu sameeyey xarumahooda xaafadda Islii, islamarkaana si kooban loo xiray, kadibna dib loo fasaxay.
Si kastaba, go’aan rasmi ah oo la filayo in dowladda Kenya ay soo saarto ayaa lagu shaacin doonaa in la xirayo xawaalado badan, ayada oo lagu eedeyn doono qaladaad maaliyadeed oo u diidaya inay dalka Kenya ka howl-galaan. Waxaa la filayaa in Dahabshiil laga reebo xawaaladaha la xirayo.
Sida aan xogta ku helnay, eedeymaha Kenya ay u adeegsan doonto inay xirto xawaaladaha ayaa waxaa ka mid ah inay maal-geliyaan aragagixisada, islamarkaana u hoggaansami waayeen sharciyada dalka.
Hoggaamiyayaasha Soomaalida Kenya ayaa isku dayaya inay yareeyaan dhaawaca xooggan ee tallaabadan ay gaarsiin karto dhaqaalaha Islii, balse ma cadda waxa ay sameyn karaan.
Cadaadiska dowladda Kenya ay saareyso Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay in Soomaaliya lagu qasbo inay ka laabato dacwadda maxkamadda ICJ taalla ee badda Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal ka gasho.